Deni Oo Guddi U Magacaabay Aaska Raisul Wasaare Xasan Abshir Iyo Madaxweyne Maxamed Xaashi

Published: July 13, 2020

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay aaska Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Labadda Marxuum oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga ayaa filayaa in berri oo talaado ah meydadkooda la keeno gudaha Soomaliya, isla markaana loogu sameeyo aas qaran.

Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:-

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
6. Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
7. Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
9. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *