© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Deni oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Federaalka- Video

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xaflad caawa ka dhacday Madaxtooyada Garowe uga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya.

Siciid Deni oo sheegay inuu in badan qarinayey arrintan ayaa sheegay inuu bilaabay hada ololihiisa doorashada isagoona si adag u dhaliilay Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Deni ayaa sheegay inuu ka shaqeenayo sidii meesha looga saari lahaa xukuumada uu hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasiloonida iyo midnimada dalka.

Baaq uu u diray murashaxiinta kale ee xilka Madaxweynaha ayuu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loogu midboobi lahaa inuusan dib usoo noqon Farmaajo.