Deni Oo ku dhawaaqay Shirweyne Wadatashi oo 15 March lagu Qaban doono Garoowe

Published: February 7, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, marxaladihii kala danbeeyay ee lasoo maray iyo sida ay hada wax u waddo Dowladda Federaalka ah oo Madaxweynuhu sheegay in aysan habooneyn.

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay Shirweyne wadatashi oo 15. March 2020 lagu qaban doono Garoowe, Shirkaasi oo ay ka qeybgeli doonaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku metala Dowladda Federaalka ah, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaalaynta Soomaaliya.

Halkan Ka Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *