Deni: Waa in La Ixtiraama Heshiisyadii Xukuumadii Hore Gashay-DAAWO

Published: January 9, 2020

Waraysi uu laantaa afka Somaliga ee BBC-da uu siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayuu kaga hadlay odoyaasha iyo siyaasiyiinta ku xirxiran magaaladda Bosaso, xil-qaadisiistii guddoomiyihii hore ee Barlamaanka C/xakiim Dhoobo Daareed, ammaanka magaaladda Bosaso iyo arrimo kale

Wuxuu sheegay in odoyaasha dhaqanka ee ku xirxiran magaaladda Bosaso ay ku xadgudbeen sharciga iyo dastuurka dalka u yaal oo aysan u xilsaarnayn inay ka hadlaan heshiisyada xukuumada la galayso dowladaha iyo shirkadda Caalamiga ah

” Odoyaasha dhaqanku uma xilsaarna heshiisyada lala galayo dowladaha iyo shirkadaha, dowladda ayaa u xilsaaran. Xukuumadii naga horraysay ayaa heshiisyada gashay, barlamaanka ayaa ansixiyay, haddii aan sharciga la ixtiraamayn, qofkii sharciga ku xadguba sharcigu waa qabanaya

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in odoyaasha ku xirxiran Magaaladda Bosaso aysan ahayn odoyaal dhaqan oo la yaqaan.

Maxkamada derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa xabsi iyo ganaax lacageed ku xukuntay odoyaal iyo siyaasiyiin dhaliilay , kana horyimid heshiis ay xukuumadda Puntland ku wareejisay garoonka diyaaradaha ee Bosaso iyo heshiisyadii hore ee lala galay shirkada P&O port ee DP World, Heshiiskaas oo muddo 30 sanno ah lagu wareejiyay dekeda magaaladda Bosaso.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/2599075283523053/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *