Denmarka oo Burcad-badeed Soomaali ah ku wareejisey Kenya iyo Seychelles

Published: February 13, 2012

Dowladaha Denmarka, Kenya, iyo Seychelles ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii Burcad-badeed Soomaali ah oo ay ciidamada badda ee Denmark qabteen loogu maxkamadeyn lahaa gudaha dalalka Kenya iyo Seychelles.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Denmarka ayaa shaacisay in Kenya ay ogolaatay maxkamadaynta 4-nin oo qayb ka ahaa koox Burcad-badeed Soomaali ah oo ay bishii Jenuary ciidamada badda ee Denmarka gacanta ku dhigeen.

Bayaan kasoo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ee Denmark ayaa sidoo kale lagu sheegay in Denmark ay heshiis kaas oo kale ah la gashay dowladda Seychelles oo iyadana lagu wareejiyey 4-nin oo Burcad-badeed ah si dalkaas loogu maxkamadeeyo.

Raggan 8-da ah ee loo kala gacan geliyey Kenya iyo Seychelles ayaa kamid ahaa 25-nin oo Burcad badeed ah kuwaas oo Markab dagaal oo ay Denmarka leedahay uu qabtay xilli ay meel u dhow xeebaha Soomaaliya ka afduubteen dooni kaluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay.

Mana ahan markii ugu horeysey ee Burcad-badeed Soomaali ah lagu wareejiyo Kenya iyo Sychelles si loogu maxkamadeeyo, haseyeeshee boqolaal Jirri badeeda Soomaalida ka tirsan ayaa ku jira xabsiyada labadaas dal iyadoo qaar badan oo kamid ahna aan weli maxkamad lasoo taagin.

 

Horseed Media