DF oo Hawlgal Milateri Ka Bilowday Wadada Isku xirta Jowhar iyo Muqdisho

Published: August 29, 2020

Ciidanka milateriga dowladda federaalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Howlgalkan ayaa dowladda federaalku ku sheegtay inuu yahay mid waddada looga nadiifinayo maleeshiyaadka Al-shabaab oo weerar dhuumaaleysi ku qaado ciidamada dowladda iyo Masuuliyiinta dowladda .

Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab    ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen  Miinooyin maleeshiyaadka Al-shabaab ay galiyeen inta udhexeeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *