Somaliya Oo La Wareegtay Hoggaanka Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha

Published: April 15, 2022

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay Shir guddoonka guud ee ururka carabta ee horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalagyada kala duwan.

Shirweynaha 37aad ee ururka oo lagu soo gabgabeeyay caasimadda Muritaaniya ee Nuwaakshod maalintii shalay ayaa wasiirka Beeraha ee dowladda Federaalka Siciid Xuseen ciid oo ka qaybgalay wuxuu hoggaanka ururka kala wareegay wasiirka Beeraha ee dalka Muritaaniya.

Waxaa maanta Somaliya loo doortay inay qabato Shir gudoonka golaha guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee hoos taga Jaamacada Carabta, Waxaana si rasmi ah ugula soo wareegay Shir Gudoonka Wasiirka Beeraha ee dalka Muritania oo dowladiisu sanadihii u dambeeyay soo hogaaminaysay Golahan.” Sidaas waxaa yiri wasiirka Beeraha ee federaalka Siciid Xuseen Ciid

Ururkan oo hoos tega ururka Jaamacada Carabta ayaa waxaa la asaasay bilowgii sanadihii 1970kii ee qarnigii tegay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *