DF oo shaacisay in ku dhowaad 100 Shabaab ah lagu dilay Jubbada Hoose

Published: July 22, 2024

In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidammadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidammada Jubbaland ayaa hadda ku jira uruurinta meydadka cadowga ee daadsan goobaha lagu dagaalamay, iyadoo dhanka kale wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.