DF oo Turkiga Ku Casuuntay Inay Shidaal Ka Sahamiso Badda Somaliya

Published: January 20, 2020

Waraysi uu siiyay Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan Telefishanka NTV ee Turkigu ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay wadankiisa Turkiga ku casuumtay inay shidaal ka baarta baddeeda,

Madaxweyne Erdogen ayaa hadalkan yiri xili uu ka soo laabtay Shirkii Berlin ee looga hadlayay arrimaha wadanka Liibiya, madaxweynaha oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah ayaa sheegay inay qaadayaan tallaaboyin waafqsan casuumadda dowladiisa ay u fidisay dowladda federaalka Somalia

“Waxaa jira codsi nooga ka yimid Soomaaliya,waxay leeyihiin Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Sidaas waxaa yiri Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa magaaladda Muqdisho ka samaysay Saldhig ugu weyn ee ay ku leeyihiin Meel ka baxsan dalkooda, halkaasi oo ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya. sidoo kale Turkigu wuxuu Balaayiin dollar geliyay Soomaaliya oo isugu jira dhimsha kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada, Deeqo lacageed oo uu toos u siiyo dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa bishii November ee Sanadkii hore hore waxay heshiis dhanka badda ah waxay la saxiixatay dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *