DFS iyo Al-Shabaab oo ka hadlay duqaynta Kuunya Barow

Published: November 20, 2019

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka uu bartilmaameedkisa ahaa horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaanada howdka ah.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, tani ayaa hoos u dhigaysa awooddii argagixisada iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa, waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”

ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay wakaalada wararka ee SONNA.

Dhinaca kale Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Kuunya Barrow lagu dilay nin ganacsade ah oo magaciisa lagu gaabiyay Ismaaciil, kaasoo deegaanka caan ka ahaa.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Mareykanka ay dileen nin ganacsade ah oo aan iyaga ka tirsaneyn, isla markaana duqeynta ay fulisay diyaaradaha aanay duuliyaha laheyn, isla markaana xilliga duqeynta dhaceysay uu ku sugnaa meel ka bannaanka ka ah deegaanka Kuunyo Barrow.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *