DFS iyo Midawga Yurub oo Kulan Ku yeeshay Muqdisho

Published: March 11, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Xukuumadda, qaar kamid ah safiirrada Midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *