DFS iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay arimaha Xajka ee sanadkan

Published: May 31, 2022

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta XFS Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa ka kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al-Rabiicah.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan heerka diyaargarowga howlaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga iyo waxa uu Xajka sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore.

Wasiir Sh.Cumar Cali Rooble ayaa isagana la wadaagay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya warbixin ku saabsan heerka diyaar garowga ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo in dhawaan Xujeyda Soomaaliyeed ay soo gaari doonaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ugu dambeyn, Wasiir Sh. Cumar ayaa la wadaagay Wasiir Dr. Towfiiq caqabado ugaar ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoona ka codsay in wax laga qabto caqabadahaas, isagoo dul istaagay Caqabadaha xaga deegaanada la dejiyo Xujeyda Soomaliyeed (Mina) xilliyada gudashada acmaasha Xajka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *