DFS oo 5 Milyan oo Dollar U Qoondeysay La Tacaalida Cudurka Coronavirus

Published: March 18, 2020

Ra’iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maalinta Berrri ah, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19, wuxuuna muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa, wuxuuna ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hey’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *