DFS oo Al-Shabaab kala wareegtay degaanka Luuq-jeeloow ee Gobolka Hiiraan

Published: June 18, 2020

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Maaddeey ayaa sheegay in ciidanka milateriga fedraalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay Gacanta ku dhigeen degaanka Luuq-jeeloow oo 25 KM u jira Magaalada Baladweyne.

Mudane; Maaddeey oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen Luuq-jeeloow uu jawaab u ahaa Hoobiyeyaal ay nabad-diidku kusoo tureen Magaalada Habeen hore.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in cadowga ay gaarsiiyeen qasaare xooggan, ayna sii daayeen Dad badan oo sifo sharci darro ah ugu xirnaa Al-Shabaab.

Ugu dambayn wuxuu Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay dhowaan Luuq-jeeloow ka hir-gelin doonaan dhammaan adeegyadii Bulshada, wuxuuna baaq adag u diry malleeshiyo Beeleedyada inta badan ku dagaallama Gobolka, isagoo sheegay inaan la aqbali karin in Dadka Shacabka ah lagu kor dagaaallamo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *