DFS oo Amartay in la fasaxo Goobaha waxbarashada ee Dalka oo Dhan

Published: March 18, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre  ayaa faray in la xiro dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maanta, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa Karoona feyrus oo dhibaato ba’an ku haaya dunida.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isdejiyaan ayna ku dhaqmaan farriimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dowladda ee ku howlan wacyigelinta bulshada.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii qofkii ugu horreeyay ee qaba caabuqa karoona feyrus laga helay Soomaaliya sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, waxaana xukuumadu ay bilaawday dadaallo looga hortegayo faafidda cudurkaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *