DFS oo dalbatay in la caawiyo dadka uu saameeyay fataahadaha

Published: October 22, 2019
Dad ku barakacay fatahaadaha

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay fatahaadaha sida weyn u saameeyay shacabka ku nool magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gagaraaka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa lagu sheegay in dadkii ka barakacay fataahadaha ee ku sugan dhulka sare ay u baahan yihiin gargaar isla markaasna xaaladda baanii’aadanimo ay sii xumaatay.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in deegaanada ay roobabka mahiigaanka ku dhufteen ay kamid yihiin deegaanno hoostago gobolka Gedo halkaas oo ay abaaro baahsan ku dhufteen ka hor roobka.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka ayaa ka codsatay dhammaan ha’yadaha gargaarka in gargaar ay lasoo gaareen shacabka ku nool gobollada ay fatahaadaha ku dhufteen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *