DFS oo deeq gargaar ah gaarsiisay Magaaladda Xudur ee gobolka Bakool

Published: June 27, 2022

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar isugu jira adeegyada kala duwan ee nolosha aas-aasiga ah gaarsiiyay Magaaladda Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaaladaan oo ah goob ay go’doomiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka jirta xaalada beni’aadanimo oo daran.

Sidoo kale waxaa magaalada soo gaaraya dad ka yimid baadiyaha ku hareereysan Xudur, kuwaas oo ay abaar ku dhuftay.

Labada Wasiir waxaa safarkooda deeq gaarsiinta ahaa ku wehliyay labada Agaasime Guud ee Wasaaradahaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *