DFS oo ka tacsiyeysay Geeridanka Madaalihii hoboladda Waberi Cumar Shooli.

Published: April 15, 2020

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya DFS ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Cumar Cabdulle shooli oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, asxaabtii, Hobalada waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi, isagoo Alle uga baryay in uu Jannadiisa ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunka Macaanka(Sokorta), isagoo ugu dambeyna xalay ugu geeriyooday isbitaalka Yardameeli ee magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay Axmed Cumar Shooli oo ah wiil uu dhalay Marxuumku.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *