DFS oo la wareegtay lacagtii Imaaraatka ee $9.6 Milyan

Published: May 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

lacagtaan ayaa waxaa ay aheyd mid horay dowladdda Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii dowladda Soomaaliya ay ka xayirtay markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho, balse uu dhawaan u fasaxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Lacagta ayaa waxaa dowladda imaaraadka ay ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana lacagtaan sida la sheegay ay kamid noqon doontaa howlaha Shaqo ee dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Roooble ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in la xoojin doono xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *