DFS oo la wareegtay Xarunta INJ ee ay ku sugnaaayeen Ahlu-Sunah Waljameeca.

Published: February 29, 2020

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee soomaaliya ayaa la wareegay xaruntii saldhigga u ahayd Ururka Ahlu-Sunah waljameeca ee Magaalada Dhuusa-mareeb. Ciidamada Dawlada ayaa dagaal ay la galeen ciidanka ka amar-qaata hogaanka ahlu-sunah waxay ku qabteen hogaankii ururka, Ciidankii iyo hubkii ay ku dagaalamayeen.

Sawiro hiirtii waaberi ee saaka laga soo qaaday xarunta ahlu-sunah ayaa muujinaya goobta oo uu burbur ka muuqdo.

DFS iyo Madaxda Galmudug ayaan weli ka hadlin sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmigga ah ee ka dhashay dagaaladii tan iyo shalay dhex-marayay iyagga iyo Ahlu-Sunah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *