DFS oo sheegtay in duqeyn lagu dilay in ka badan 100 katirsan Al-shabaab

Published: November 26, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday degaanka Ceel-dheere ee gobolka Shabeelada dhexe lagu dilay in ka badan 100 katirsan Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay xalay, kadib markii laamaha amnigu ogaadeen goob ay Al-Shabaab isku abaabulayeen si ay u qaadaan weerar.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay in 10 horjooge oo katirsan Al-shabaab lagu dilay duqayntan oo uu sheegay inay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamka.

Sidoo kale Wasiir Al-caddaala ayaa sheegay in duqeynta ay bar-bar socotay howlgal qorsheeysan oo ay  Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamadda Degaanka ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ku lahaayeen Ceel dheere.

Wuxuu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabo Xasan Nuur oo Shabaab u qaabilsanaa Shabeellada dhex iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Cabdiqaadir, kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadaha. 

Horseed Media