DFS oo Sheegtay inay dileen 8 kamid ah Maleeshiyaadka Alshabaab

Published: March 5, 2020

Abaanduulaha qeybta 27 aad ee ciidanka Milateriga Federaalka Janaraal Saalax Yacquub ayaa sheegay in ciidanku dileen 8 kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab oo uu kamid yahay horjooge sare isla markaana laga furtay hubkii ay wateen, ka dib howlgal saaka laga fuliyay gobolka Hiiraan.

Deegaanka howlgalka laga fuliyay ayaa magaalada Beledweyne, u jira 27km, waxayna saraakiisha ciidanku sheegeen in howlgalka saaka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana laga gaaray u jeedkii laga lahaa.

Abaanduulaha oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in guutada 5 aad ciidanka xoogga dalka fulisay howlgalkii saaka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *