DFS oo sheegtay inay dileen mid kamid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab

Published: October 3, 2022
Shares20

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal qorshaysan lagu dilay mid kamid ah hoggaamiyayaasha Ururka Al-Shabaab kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa madaxa dacwadda ee kooxda, iyada oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu ahaa, “mid kamid ah kuwa ugu sharta badan ee kooxda al-Shabaab.”

Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.

“Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisadu u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, ee Axmed Diiriye.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha la dilay uu ka mid ahaa ragga ay madaxiisa saaran tahay lacagtu ee ay baadigoobayeen dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah.

Horseed Media