Dowladda Federaalka oo sheegtay inay ku khasbantahay go’aanka ICJ ee Dacwada Badda

Published: May 19, 2020

Dowladda federaalka ayaa cadaysay mowqifkeeda ku aadan go’aanka maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ay dib ugu dhigtay dhagaysiga dacwada badda ee kala dhaxaysa wadanka Kenya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Mahdi Maxamed Guuleed  oo shir jaraa;id qabtay waxaa uu sheegay in dowladu ka soo horjeeday in mar kale dib loo dhigo dhagaysiga dacwada hase yeeshee ay ku qasban tahay inay u hoggaansamaan go’aanka Maxkamada

“dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka dalka

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Sababaha Maxkamadu dib ugu dhigtay dhagaysiga dacwada Badda ayaa lagu sheegay inay la xiriirto xaalada ka taagan caalamka ee uu sababay cudurka Covid-19 iyo sidoo kale dowladda Kenya oo mar kale dalbatay inay dib loo dhigo kiiska dhibaatooyin iyada u gaar ah agwgeed.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/1816131945234430/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *