Dhaawaca Gen. Maxamed Xaashi Turkiga loo qaaday 

Published: April 29, 2022

General Maxamed Xaashi Guuleed ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Generaalka ayaa Isniintii ku dhaawacmay qarax waddada dhinaceeda la dhigay oo gaarigiisa lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Waxa aan halkan ugu mahadcelinaynaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Taliyaha CXDS, General Odowaa Yuusuf Raage kaalinta weyn ee uu ka qaatay in dalka Turkiga caawa loo qaado General Maxamed Xaashi Guuleed oo dhaawac culus soo gaaray. Waxa aan sidoo kale u mahadcelinaynaa intii gacan ka gaysatay oo dhan.” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Macalimuu ayaa yiri “Tan iyo maalinkii uu Jananku dhaawacmay Taliska waxa ay muujiyeen garab istaag muuqda, maadaama uu General Maxamed Xaashi ka mid ahaa Saraakiisha waayo aragga ah ee waqti dheer ka tirsanaa Hoggaanka Ciidanka.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *