Dhabancad: Dowladda Federaalku Isbaaro Ayey U Dhigatey Mashaariicdii Hormarineed Ee Puntland

Published: August 8, 2023

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay deeqaha caalamka ee Soomaaliya ay ka dhigteen hub siyaasadeed.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxmed Cabdirxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyey Dowladda federaalka ah in deeqaha caalamiga ah iyo mashaariicda ay isbaaro u dhigatey oo aysan dalka gaarsiin, taas oo caqabad ku ah hanaanka dowlad dhiska dalka ee muddo soo socdey.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay tahay in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa, laakiin taas beddelkeeda muddooyinkan danbe waxay caqabad ku noqdeen hormarinta dalka, waxay hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaan waxay Puntland ka hor istaageen dhamaan mashaarciidii horarineed ee dadku ka faa’ideysan lahaa.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay meeshii la rabey in Dowladda federaalka ah ay noqoto hannaan wax fududeynaya oo keliya, oo ay u fududeyso hawlaha dowaldaha xubnaha ka ah oo dalkaan amnigiisa iyo adeegiisaba gacanta ku haya 90%, ayey shaqo ka dhigteen in ay mashaariicda isbaaro u dhigtaan.

Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ku doodey in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha si loo hubiyo dadka loo adeegayo in ay si toos ah uga faa’ideystaan mashaariicdaas, waxaana ka mid ah nidaamka loo yaqaan “procurement” ama qandaraasyada qaabka loo iibiyo, in la hubiyo in canshuurihii la qaadayo qaybta ay Puntland ku leedahay in ay Puntland ka dhacaan, sidoo kale in hantidhawrka Puntland uu qayb ka yahay dhamaan heshiisyada hormarineed qaybta ay Puntland ku leedahay, arrimahan waa qaabka ay Puntland dooneyso in ay ku maamusho mashaariicda hormarineed ee caalamka uga yimaada.

Ugu danbeyn Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Dhabancad ayaa xusey in dhanka shuruucda Bangiga Puntland ay horumar weyn ka sameysey, sidaas darteed, lacagaha mashaariicda hormarineed ay tahay in Baanka Puntland ay toos ugu soo dhacdo, lacagaha markii hore Muqdisho la soo marin jirey waxay keeneen dhibaato weyn oo ah marka dalabaadka la sameeyo ama la rabo in la fuliyo mashaarciida in aan la helin lacgataas, ama waxaa la siinaayaa dad aan la aqoon iyo shirkado aan Puntland ba ka jirin taas oo dadku aysan toos uga faa’ideysan ayuu yiri Dhabancad.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah golihiisa wasiiradu ay dhawaan booqasho ku tagaan magaalada Nairobi, si ay kulamo ula qaataan deeq bixiyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Horseed Media