Eedeysanaha gaariga wadey ayaa boolisku gacanta ku dhigeen, sida ay sheegtey warbaahinta jarmalku.
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari uu jiiray dad ku sugnaa suuqa Christmas-ka ee magaalada Magdeburg ee dalka Jarmalka.
Weerarka ayaa dhacay wax yar ka dib 7-dii fiidnimo ee fiidkii jimacada. Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga uu si toos ah u dhex galay dad badan oo ku sugnaa suuqa, waxaana dadka ay la carareen argagax kuwaas oo qaarkood is jiiray.
Ugu yaraan labada qof ayaa weerarka ku dhintey kuwaas oo mid kamid ah yahay ilmo yar, sida uu sheegay Reiner Haseloff, oo ah wasiirka madaxweynaha gobolka Saxony-Anhalt, Reiner Haseloff ayaa sheegay in 70 qof oo kale ay weerarka ku dhaawacmeen.
Eedeysanaha gaariga wadey ayaa boolisku gacanta ku dhigeen, sida ay sheegtey warbaahinta jarmalku. Ninkan ayaa ah 50-jir u dhashay dalka Sacuudiga, wuxuuna ka shaqeeyaa dhaqtar, dalka Jarmalka ayuu ku noolaa tan iyo sanadkii 2006, muddo 10 sano ah kadib waxa uu dalbadey magangelyo. Magaca ninkan iyo sawiradiisa ayaa lagu shaaciyey baraha bulshada, waxaana uu faafin jirey fikrado ka dhan ah Muslimka, Ninkan oo lagu magacaabo Taleb al Abdulmohsen waxa uu sameeyay bog internet ah oo lagu magacaabo “wearesaudi.net”, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo dadka ka baxay diinta islaamka ee ka soo qaxay gobolka Khaliijka iyo in la siiyo macluumaadka kuwa kale ee raadinaya taageero la mid ah.
Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo yiri: “Dareenkaygu wuxuu la jiraa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, waxaan garab taaganahay garabkooda iyo dhinaca dadka reer Magdeburg, waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha gurmadka ee saacaddahan walaaca leh.” ayuu yiri.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa cambaaraysay dhacdadii ka dhacday suuqa ku yaalla magaalada Magdeburg ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, Sucuudiga ayaa sheegay in ay muujinayaan garab istaaga dadka Jarmalka iyo qoysaska dhibanayaasha, sida lagu yiri bayaan lagu faafiyey barta X.
Magdeburg waxay ku taal waqooyi bari ee Jarmalka waxaana degan in ka badan 200,000 oo qof. Suuqa Christmas-ka ayaa ku yaala bartamaha magaalada.
Sanadkii 2016, December 19, weerar argagixiso ayaa ka dhacay suuqa Christmas Breitscheidplatz ee Berlin. 48 qof ayaa ku dhaawacantay 12 kalena waa ay ku dhinteen kadib markii Anis Amri uu gaari xamuul ah jiirsiiyay dad badan.
Suuqyada kirismaska waa caado aad looga jecel yahay Jarmalka, waxayna sidoo kale soo jiitaan dalxiisayaasha caalamiga ah.
HORSEED MEDIA