Dhakhtarkii al-Shabaab oo ka soo baxsadey

Published: August 10, 2023
Shares20

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Galmuduga ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay mid kamida dhakhaatiirtii ururka Al-Shabaab kaas oo daweyn jirey dhaawacyada malayshiyaadka al-shabaab.

Ninka isa soo dhiibay oo magaciisa saxda ah lagu sheegay Cabdi Cabdullaahi laakiin magaca uu al-Shabaab ku dhexjoogey ayaa ahayd Cabdinaasir ayaa muddo 6 sano ah ka shaqeynaayey daaweynta dhaawacyada kooxda.

Waxa uu isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaasoo warbaahinta loogu soo bandhigay.

Markii uu is dhiibaayey waxa uu ku hubeysnaa qore Ak-47, kaas oo uu dhulka dhigey markii uu soo gaarey ciidamada dowladda.

Waxaa dhawaan ka bilaamaya gobolka Galguduud ee ninkaani ku sugnaa guluf colaadeed oo uu horkacaayo Madaxweyn Xasan Sheekh, waxaana muuqata in kooxda al-Shabaab durba bilaabeen kala baxsadaan

Horseed Media