Dhalashada Nebi Maxamed -NNKH- oo Gaalkacayo laga xusay [Sawiro]

Published: February 4, 2012

Xaflad lagu xusayay dhalashadanabi maxamed ( SCW) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafladan aya waxay ka dhacday hoolka shirarka ee hotelka saylaan waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka mudug oo uu ugu horeeyo godoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf jaamac iyo duqa degmada Gaalkacyo mudane Siciid Cabdi Faarax iyo talliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug iyo marti sharaf kale oo iskugu jirta dhakhaatiir aqoonyahano iyo odayaasha dhaqanka gobolka Mudug.

Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay culumada ahlu sunah wal jamaaca ee gobolka mudug waxaana ay ku saabsanayd xuska maalintii uu dhashay nabi maxamed (SCW) oo ku beegnayd 12 bisha mawliid ,

Shiikh Cumar Xaaji Axmed ( Sagal) oo ka mid ah culumaa Ahlu sunah ayaa ugu horaytii daah furay xaflada waxaana uu ku dheeraday ka hadalka fadliga uu leeyahay xuska Nabiga (SCW) iyo munaasabadan qaaliga ah ee ku beegan dhalashada Nabi Maxamed (SCW).

Shiikha aya sidoo kale waxaa uu aad ugu dheeraaday siirada nabiga (SCW) iyo marxaladiihii ay soo martay diinta islaamka isagoo sheegay in loo baahan yahay in la barti siirada rasuulka iyo taariikhda islaamka marxalaaheedii kala duwaaa ay soo martay .

Godoomiyaha gobolka Mudug maxamed Yuusuf Jaamac ayaa isna ka hadlay xafladan waxaana uu soo jeediyay in laga qayb qaato xaflada dhalashada rasuulka oo ay fiican tahay in si wada jir ah loo weyneeyo rasuulka xuskiisa iyo siiradiisa isagoo farta ku fiiqay in aysan jirin khilaaf waqtigan culumada ka dhex jira oo ku saabsan xuska rasuulka ( SCW)

Sidoo kale godoomiyah ayaa soo hadal qaaday xaalada amaanka ee gobolka mudug isagoo ka dhawaajiyay in ay jiraan dadaalo uu wado maamulkiisa oo ku aadan sugida amniga iyo xasiloonida gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in dhawaan la diyaarin doono ciidamo boolis ah oo suga amniga magaalada guud ahaanteed..

Mr tigey ayaa dhan kale kula dardaarmay shacabweynaha gobolka Mudug in ay dhexda u xirtaan sidii ay ula tartami la haayeen gobolada kale ee nabdoon isla markaana ay ka faaiidaystaan intooda waxgaradka ah ee ku nool gudaha gobolka Mudug.

Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa kaloo ka hadlay qaar ka mid ah nabadoonada gobolka iyo aqoonyahnada oo dhamaantoodba ku dheeraaday ka hadalka xuska dhalashada nabiga (SCW) iyo amniga guud ee gobolka Mudug .

Ugu danbaytiina waxay ku soo idlaatay xafladu jawi wanaagsan oo ay u wada riyaaqeen dhamaan dadki ka soo qayb galay oo ku wada qadeeyay hoolka hoose ee hotelka saylaan Gaalkacyo.

 

Horseed Media

Gaalkacayo