Dhalinayaro kasoo badbaaday Xeebaha Jaziiradda Madagascar oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

7 December, 2024

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka soo dejisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar, kuwaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Qaar ka mid ah Dhallinyarada dib loo soo celiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dib ugu soo noqoshada dalkooda, waxayna tilmaameen in ay dhibaato badan kala soo kulmeen safarkoodii Badda, islamarkaanaa dooni ay saarnaayeen dad gaaraya 70-Qof ay ku qalimatay Badda Jaziiradda Madasgarcar.

”13-maalin ayaa waxaan ku jirnay Badda annagoo doomanka ay naga fariisteen, bilaa darawal ah, matooradana ay naga halaabeen, Alxamdullilaah Illaah baa naga soo badbaadiyay, Dowladdeenna iyo Dowladda Madagascar aad ayaan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaradii la soo badbaadiya oo dareen hadlayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diyaarad gaar ah u dirtay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Madagascar, halkaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof.

Horseed Media