Dowlada Soomaaliya ayaa fudedeysay in dalka dib loogu soo celiyo 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha burcadda ah ee dhibaateeya muhaajiriinta ku sugan dalka Tuuuniisiya, kuwaas oo loo yaqaan magafayaal.
Dadka laga soo badbaadiyey kooxaha burcadda ah waxaa kamd ah ilmo yar oo hooyadiis dhashey intii ay gacanta burcadda ku jirtey.
Dhalinyaradan oo u badan kuwa ka soo jeeda Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkoodi dib ugu soo noqdaan kadib markii ay ku hungoobeen sababtii ay uga tageen dalkooda ee ahayd in ay helaan nolol ka wanaagsan tay ku jireen, dhalinyaradan ayaa u mahadceliyey safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Aljeeriya Cadiwahaab Macalim kaas oo wakhti badan geliyey in ay helaan xoriyadooda dalkoodana ku soo noqdaa.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtey in qiyaastii 1194 qof oo Soomaali qaxooti ah ay siyaabo kala duwan ugu nool yihiin Tuuniisiya.
Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Tunisia ayaa wajahaya xaalad adag. Iyadoo Tuuniisiya taariikh ahaan uu ahaa goob ay ku noolaayeen qaxooti iyo magangalyo doon ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto, ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay ku soo badanayay nacaybka iyo takoorka lagu hayo muhaajiriinta.
Dowladda Tunisia ayaa dhaqan gelisay siyaasado ay uga dan leedahay in lagu xakameeyo qulqulka socdaalka, kuwaas oo saameyn xun ku yeeshay soogalootiga Soomaalida. Siyaasadahani waxay keentey in dhaliyaradu u gacan galaan kooxo burcad ah.
HORSEED MEDIA