Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalo ku dhaw Cape Town waxaa lagu dilay labo dhalinyaro Soomaaliyeed…
Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalo ku dhaw Cape Town waxaa lagu dilay labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi u joogay arrimo ganacsi.
Labaa nin ee la diley ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xaamud Jaras, kuwaasi oo la sheegay inay beegsadeen Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah.
Caydruus Cabdiraxmaan Ibraahim oo ku nool Koonfur Afrika ayaa BBC u sheegay, wiilasha dhintay ay ku sugnaa goobtooda ganacsi oo ku taalla Happy Valley ee magaalada Cape Town. Dilka ayuu sheegay in ay u isticmaaleen rasaas. Raggii falkaas geystay ayaa goobta ka baxsaday, ilaa hadda cid looma qaban.
Caydruus ayaa sidoo kale qijiyay in dhaawaca dhalinyarada la geeyay Isbitaalka Tygerberg oo ku yaalla degaanka Bellvile oo ay Soomaalidu ka degto magaalada Koonfur Afrika, halkaas oo ay markii dambe u dhinteen dhaawicii soo gaarey.
Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano.
Boqolaal Soomaali ah ayaa lagu diley dalka Koonfur Afrika inkasta oo muddooyin laga nastey ay jirtey. Dhalinyarada Soomaalida ayaa Koonfur Afrika u taga ganacsiga yaryar.
Horseed Media