Dhaq dhaqaaq ciidan oo maanta laga dareemayo deegaano kamid ah gobolka Sh/Dhexe

Published: August 18, 2018

Deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe waxaa maanta ka soconya howlgalo balaaran oo ay wadaan ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Howlgaladan oo si gaar ah uga socda inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowahar ayaa la arkayaa ciidamo tiro badan kuwaasoo baaritaan ku sameynaya gaadiidka ay saaran yihiin dadka ku socdaalaya deegaanadaasi,waxaana lasoo sheegayaa in mararka qaar la maqlayo dhawaqa rasaas ay ridayaan ciidamadaasi.

Darawalada iyo dadka ku safraya deegaanada ay howlgaladu ka socdaan ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in ay waxyeelo kasoo gaarto ciidanka howlgalada sameynaya oo xiliyada qaar gaadiidka kala daga dadka ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgadan ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom ayaan weli ka hadlin howlgaladan iyo waxa looga gonleeyahay hase ahaatee howlgadan ayaa imanaya xili qarax miino uu haleelay kolonyo Ciidamo AMISOM ah kuwaasoo ku socdaalayay deegaan lagu magacaabo Gololeey oo qiyaasti 10km u jirta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ,waana sababta ay ciidamo Soomaali iyo Amisom ah ay xiligan howlgalo uga wadaan deegaano kamid ah gobolkaasi Sh/dhexe.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo milatari ah geysay deegaano ay ku xooggan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab kuwaasoo weerar qorsheysan xiliyada qaar ay ka geysta deegaano gobolka Shabeelaha dhexe ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *