Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda degmada Ceelberde ee gobolka Bakool

Published: October 27, 2022

Degmada Ceelberde Gobolka Bakool waxaa ka socda diyaargarow Ururka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada gobolka Bakool oo 10 sano ka hor ay qabsadeen qeybo kamid ah. 

Ceelbarde maanta waxa ku soo degey Ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta Koonfur galbeed oo dhowaan tababar uga soo dhamaaday magaalada Baydhabo oo aad u hubeysan kana yimid magaalada Waajid.

Ciidmadan gaaray Ceelberde waxay qeyb ka noqonayaan howlagalladda ka dhanka ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol iyo saraakiil ayaa ciidamada ku soo biirey ciidamadii horey uga sugnaa magaalada Ceelbarde ku soo dhowweyey halkaas.

Horseed Media