Dhaqaale Intee Le’eg Ku Baxay Dib u Dhiska Xaruntii Xisbiga ee Muqdisho?

Published: June 14, 2022

Raysalwasaaraha xilka ka sii degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqdey dhismaha weyn ee gurigii hire ee Xisbigii Kacaanka ee la dhihi jirey Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, dhismahan ayaa ku burburey dagaaladii Sokeeye waxaana uu deris la yahay Istaadiyum Muqdisho.

Xukuumaddii hore ee Xassan Cali Kheyre ayaa bilowdey dayactirka dhismaha, si ay u noqoto halka raysalwasaaruhu ku shaqeyn doono isla markaana hoy u noqota rayslawasaaraha oo hadda degan xayndaabka Madaxtooyada.

Dowladda Qatar ayaa bixisey dhaqaalaha dib loogu dhisey dhismihii Xisbiga, waxaana ku baxdey adduun dhan $5 milyan oo dollarka maraykanka ah, waxaa fulisey shirkad maxali ah oo dalka laga lee yahay laguna magacaabo EAMCO.

Dhaqaalahan ayaa qayb ka ahaa $200 oo milyan oo dollar oo Dowladda Qatar ugu deeqdey Dowladda Soomaaliya lacagtaas oo la geliyey dhismayaal ay ka mid yihiin Xarunta raysalwasaaraha, dhismaha Wasaaradaha qaarkood sida tan qorsheynta, sidoo kale deeqda ayaa loogu talo galay shaqo abuur, dhismaha waddooyinka Muqdisho – Jowhar, Muqdisho – Afgooye, iyo hormarinta waxbarashada, heshiiskan ayaa la saxiixey dhamaadkii sanadkii 2017.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *