Dhaqanka SSC oo u jawaabey Salaadiintii ka hadley Hargeysa

Published: August 27, 2023
Shares4

Isimada SSC-Khaatumo ayaa maanta isugu yimid shir kadib markii Somaliland looga guuleystey dagaalkii qaatey muadada 8-da bilood ah. Shirka isimada ayaa yimid kadib markii Salaadiinta Somaliland ay maalintii shalay ka hadleen Hargeysa kuna baaqeen in dagaal rogaal celis ah la qaadayo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Mukhtaar Garaad Cali iyo Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa shirka ka hadley waxaana ay ku baaqeen nabad iyo in aan dagaal danbe dhicin dhankoodana ay is xakameynayaan.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in isimada ka hadley Hargeysa aysan ahayn oodwadaag wax ka dhexeeyaana aanu garanayn ee uu baaq u diraayo dhaqaka Habar Jeclo, waxaana uu yiri:

Waynu is ogeyn oo horey ayaanu idiinla hadalney markii dadkayaga la laynaayey, la qixiyey guryahayagana madaafiicda lala dhacaayey, waxaad ku jawaabteen amar kuma lihin oo waa ciidankii Qaranka Ina Biixi ayaana maamula, waxaan idinku niri haddii ay sidaas tahay waan iska xalineynaa waana iska soo saareynaa ee wixii intaas ka danbeeya yaan dhulkiina dagaal nalooka soo abaabulin, waxkasta ayaa inaka dhexeeya ma dooneyno colaadiina, dhibtuna labadeena ayey taabanaysaa, haddaba maanta waxaa muuqata in mar kale abaabul dhulkiini laga wado, Anagu shalay ciidankayaga xuduudkiisi ayaan ku celiney, ma anan soo baacsan idiinma soo gudbin iyada oo aysan jirin cid na hortaagan, dan kama lihin, sidaas darteed, haddii Oog la isku urursado oo nalooka soo duulo idinkaa nagu soo duuley ayuu yiri Garaad Jaamac garaad Ismaaciil.

Garaad Mukhtaar ayaa sheegay in ay nabad doonayaan, waxa ay u dagaalameen ay ahayd in ay dhulkooda maamushaan, maanta dhulkayagi ayaan joognaa, waana ka guuleysaney ciddii nagu soo duushey, laakiin waxaa dantu inoogu wada jirtaa waa wada noolaanshaha iyo nabadda, haddiise aad taas diidaan, waxa keliya oo aan idin leenahay waa Bring it on.

Dhaqanka Hargeysa ka hadley maalintii Sabtida ayaa ku baaqey in ay taageersan yihin ciidankooda, dagaalna ku baaqey, sidaas si lamid ah Muuse Biixi wuxuu sheegay in ay ka soo waaqsanayaan wixii gaarey oo ay aargudanayaan.

Ciidamada Somaliland ayaa la dhihi karaa 70% waa burbureen, waxay ahaayeen ciidan dhisme ku socdey muddo ka badan 25 sano ah, laakiin hubkoodi, rasaastii, keydkii kale dhamaan waa laga furtey, waxa taas dheer dhimashada dagaalkii jimacada waa ka badan tahay 150 askeri, waxaa la qabtey ku 300 oo askeri, kuwaas oo weli kaymaha laga soo guraayo.

Dagaalka ayaa loo qaybiyaa laba nooc Battle (macriko) iyo War (Dagaal) Dagaal waa mid qaadan kara wakhti dheer, macrikada maalin laha ah waadna ku guuleysan kartaa waana lagaa guuleysan karaa laakiin haddii dagaalka lagaaga adkaado, waxaa muhim ah in aad dadkaagu sidii ay u sii noolaan lahaayeen ka shaqeyso nabadna qaadato, Soomaaliland dagaalka waa looga adkeedey haddii uu ahaan lahaa xoog iyo haddii uu ahaan lahaa siyaasad.

Mohamed Osman
Horseed Media