Dhegaysiga khudbadaha musharixiinta oo maanta lasoo Geba-Gebaynayo-Toos U Daawo

Published: February 5, 2017

Xildhibaanada Baarlamaanada Soomaaliya ee dooranaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee afarta sano ee soosocta maalinta arbacada ah ayaa dhegaysanaya khudbadaha musharixinta maalintii saddexaad.

Maanta ayaa si rasmi ah loo soo geba-gebanayaa dhegaysiga khudbahadaha Musharixiintu ay uga hadlayaan sababta ay ku muteysteen in lagu doorto isla markaana ay Xildhibaanada weydiisanayaan in ay codka siiyaan.

Murashaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa ah sideed Musharax waxaana ay kala yihiin.

  1. Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke
  2. Maxamud Maxamed Culusow
  3. Maxamed Cabdulahi Farmaajo
  4. Maxamed Cabdirisaq Maxamud Abukar
  5. Maxamud Axmed Nuur Tarsan
  6. Maxamed Nuur Cali Ameeriko
  7. Maxamed Axmed Jabarti
  8. Axmed Maxamed Cabdi Malaadiini

maalmha isniinta iyo Salaaasada ayaa ah mid musharixiintu ay si furan uga dhex ol-oleynayaan Xildhibaanada. Maalinta Arbacada ah ayaa ah maalinta kala reebta ee la soo saarayo qofka noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Doorashada ayaa ka dhacaysa xeradii ciidanka cirka ee Afisiyoone kadib markii 18 musharax sidaas dalbadeen, waxaana ka qayb qaadanaya 23 Musharax.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *