Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya wajahayso waa qar-iska-xoornimada Xasan Sheekh Maxamuud

Published: May 2, 2023

Waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud yahay geesi aan dabka ka leexan, in waxa uu sameeyo u arko sax oo uu difaaci karo, waana khatarta ugu weyn ee dalku wajihi karo in Madaxweynuhu waxa uu isagu aaminsan yahay sax inay tahay, haba khaldaanaatee uu difaaci karo.

Habeenkii xalay waxa uu hor yimid barnaamij la soo idyaariyey oo loogu yeeray kulanka dadweynaha, waxaana uu difaacay siyaasaddiisa arrimaha dibadda, dagaalka al-Shabaab u ku qaadey iyo shaqaaleysiinta caruurtiisa.

Waa run oo caruurta madaxweynuhu waxay la xuquuq yihiin kuwa kale ee Soomaaliya. Xilka uu u magacaabey gabadhiisa Jihaan Xasan waa boos siyaasadeed, kaas oo aysan u tartamin, isla markaana aabaheed magacaabey, madaxweynuhu ma waxa uu tusaale ka dhiganayaa Mucamar Qadaafi iyo Sadaam Xuseen ee caruurtooda xilalka u magacaabi jirtey, dhalinyarada kale ee Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah ee booskaas qaban kara tartana aanu gelin muxuu ugu jawaabayaa. Waxaa muuqata in madaxweyne Xasan Sheekh uu Nepotism macne kale u yeelayo.

Qorshaha labaad ee wadatashi la’aanta uu ku galay Madaxweyne Xasan ayaa ah in dagaalka al-Shabaab uu ka dhigey mid qabiil, beelaha la geliyey, ciidamadii qaranka la beeleeyey, taas oo la garan waayey jihada ay ku dhamaan doonto.

Waxaa gebi ahaanba istaagey taakuladii ciidamada Maraykanku ay siiyeen dagaalkan ee duqeynta cirka kadib markii weeraro is xigxiga lala beegsadey ciidanka Danab saraakiilna looga diley, sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa joojisey duqeymihii cirka ee dagaalka ka dhan ah al-Shabaab, iyo taageeradii miisaaniyadda ee Dowladda waxaa hadda bilowdey in beelihii dagaalka galey ay bilaabaan sidii ay isu difaaci lahaayeen, dadkoodi waxgalka ahaa ayaa isaga soo baxay goboladoodi, waxaana bilaamatey cabsi, qorshaha ugu weyn ee wejiga labaad ee dagaalka al-Shabaab ayuu doonayaa Xasan Sheekh in uu soo geliso Itoobiya iyo Kenya tan oo leh cawaaqib xumo horey loo soo arkey.

Si kastaba muddo sanad ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka hayo waxaa soo baxaysa in uu dalka kuwado mugdi, taas oo ay u dheertahay sida uu u difaacayo qalinkiisa eexda iyo naasnuujinta ku qotoma.

Qore: Axmed M. Yussuf