Dhinacyadii shalay Gaalkacayo ku dagalamay oo xabbad joojin lakala dhex dhigay

Published: February 9, 2012

Xaaladda guud ee magaalada Gaalkacayo ayaa maanta ah mid degen kadib markii uu shalay ka dhacay dagaal mudo dhowr saacadood ah socdey kaas oo geystey khasaare nafeed oo aan badnayn.

Isimada, waxgaradka, iyo Culimaa`uddiinka magaalada Gaalkacayo ayaana ku guuleystey inay xabad joojin kala dhex dhigaan labo dhinac oo uu shalay iska hor imaad ku dhex maray xaafadda Horumar.

Dagaalkaas oo sababay dhimashada 2-qof iyo dhaawaca 14-kale ayaa ka dhex qarxay ciidamada ammaanka ee degmada iyo mileeshiyo beeleed kasoo jeeda xaafadda horumar.

Xabad joojinta lagu guuleystey in laga gaaro dagaalkii shalay magaalada Gaalkacayo ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay maamulka gobolka Mudug iyo waxgaradka beesha kooxihii ay ciidamada isku dheceeni kasoo jeedaan.

Sidoo kale waxaa socota qaban qaabo lagu doonayo in la isku soo hor fariisiyo garabyadii ay shalay dirirtu dhex martay si dhibaatadii dhacday xal deg deg ah looga gaaro loogana hortago in dib markale ay ugu soo noqoto.

Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Gaalkacayo gaar ahaan aaggii uu shalay dagaalku ka dhacay ayaa ah mid xasiloon, waxaana dadkii dagaalkaas ku dhaawacmay oo intooda badan xaaladoodu ay fiican tahay lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee Gaalkacyao iyo xarumaha kale ee caafimaadka.

 

Horseed Media