Dhismaha wadada laamiga ah ee Birta-dheer iyo Kalabarayr oo la dhamaystiray 8.5 KM, lana gaarsiiyay Ooman.
Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland Faraax Cawad Jaamac oo uu wehliyaan Gudoomiyaha Hay’adda waddooyinka Dawladda Puntland Abdifitah Maxamed Sugulle, Madaxa shirkadda Keberco Faysal Xasan Yacquub iyo Ganacsase Jaamac dhagadheere, ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha wadada laamiga ah ee Birta-dheer iyo Kalabayr oo la dhamaystiray 8.5 KM, lana gaarsiiyay Ooman.
Dhismaha laamiga oo kasoo bilowday Birta dheer ayaa la gaarsiiyay Ooman, waxaana qorshuhu yahay in la dhamaystiro 20 KM oo ku eg deegaanka kalabayr ee gobolka Nugaal.
Masuuliyiinta kala duwan ee kormeeray ayaa bogaadiyay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco oo shaqadan dhismahaha gacanta ku haysa, waxaana qorshuhu yahay in dhawaan lasoo gabagabeeyo inta hartay.
Horseed Media