![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/07/7-1.jpg)
Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si wadajir ah magaalada Kismaayo uga dhagax-dhigay xarunta dhismaha cusub ee wasaaradda qorshaynta Jubbaland.
Dhismahan ayaa laga dhagax-dhigay xaruntii Shiirkole oo xligii dowladii dhexe ahayd saldhiga ciidanka xoogga dalka, halkaas oo u madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/07/1-2-1.jpg)
Wasiirada Qorshaynta ee Jubaland iyo dowada federaalka, Jamaal Maxamed Xasan iyo Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay xaruntan oo loo dhisi doono si casri ah, dhismaheeda lagu gabagabayn doono muddo kooban.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/07/6.jpg)
Dhanka kale Labada Wasaaradood ee qorshaynta Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa kala saxiixday mashruuca xakameynta fatahaadda webiga Jubba, waxaana goobjoog ahaa madaxweynaha Jubbaland iyo Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta dowlada federaalka Soomaaliya.
Horseed Media