Dhismihii lagu wadey Laamiga Boosaaso oo gaba gabo ku dhow [Sawiro]

Published: February 28, 2012

Waxaa gabo gabo ku dhow dayactir todobaadyadii u danbeeyey lagu wadey qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee dhex mara magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Jidkan oo ah kan ugu weyn magaalada islamarkaana ugu saxmadda badan ayaa waxaa si joogto ah maalin walba u isticmaala gaadiid iyo dadweyne aad u tira badan.

Waxaana hadda gacanta lagu hayaa inta u dhexeysa Hotel Nakhiil iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso halkaasoo horay burbur xoogani uu uga muuqdey.

Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkadda qandaraaska dhismaha wadooyinka magaalada Boosaaso la siiyey ee El-Gar oo maanta Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey meesha ay wax marayaan.

Wuxuuna sheegay in howshu ay gaba gabo ku dhowdahay balse ay in mudo ah hakad geli doonto maadaama sida uu sheegay uu ka go’ay Daamurkii jidka Laamiga looga dhigi lahaa haseyeeshee ay ka dalbadeen dalka UAE islamarkaana uu dhowaan u iman doono.

Mr Gaar ayaa mar ay Horseed Media weydiisey sababta dayactirka jidka weyn ee Laamiga ah looga hor mariyey dhismihii lagu bilaabi lahaa wadada Gaaca ee aadda dhinaca Airportka wuxuu sheegay in taas ay keentay dhaqaalihii howsha lagu fulin lahaa ee hay’adaha mashruuca JPLG-ga taageeraa bixin lahaayeen oo aan weli soo bixin.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso oo xudun u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland iyo qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u danbeeyey ka socdey dadaalo ay wadeen waxgaradka, ganacsatada, iyo maamulka degmada kuna aadan sidii jidadka magaalada looga dhigi lahaa kuwo Laami ah si isu socodka dadka iyo bilicda guud ee magaaladaba kor loogu qaado.

Waxaana xusid mudan in kharashka ku baxaya dayactirka ay shirkadda dhismaha wadooyinka ee El-Gar ku wado qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee Boosaaso dhex mara ay ku deeqeen ganacsatada iyo dadka iska leh dhismayaasha ku yaal wadada hareeraheeda.