Dhulgariir ku dhuftay jasiirada Lombok oo sababay dhimashada 82-ruux

Published: August 6, 2018

Dhul gariir ku dhuftay jaziirada caanka ah Lombok ee dalka Indonesia ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 82-Qof kuwaasoo ku noolaa jaziiradaasi loo dalxiis taggo ,sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Baaxada dhul gariirkan ku dhuftay jaziirada Lombok ayay cilmi baarayaal u dhashay Mareykanku sheegeen in uu gaarayo 6.9, taasoo laga arkay saameynta uu dhulgariirka ku reebay bulshada ku noolaa Jaziirada caanka ah ee Lombok.

War ay maanta soo saartay Hay`adda dowlada Inonesia u qaabilsan musiibooyinkaayaa lagu sheegay in dad gaaraya 82-ruux ay ku dhinteen dhul-gariirkan tiro intaasi ka badanna weli la la’yahay halka mumanaan guryo ahna ay ku burbureen dhul gariirka ku dhuftay jasiirada dalxiiseedka Lombok.

Burburka guryaha iyo dilaaca dhulka ayaa sababay geerida tirada badan ee dadkan sida uu sheegya Muhammad Rum, oo ah Madaxa Hay`adda Masiibooyinka.

Digniino ayay dowladda Indonesia horay ugu soo saartay halista dhul-gariirka iyadoona shacabka ka dalbatay xiligaasi in ay u guuraan goobaha dhul taagga ah ee sahlan tahay in aysan saameyn badani ku yeelan dhulgariirada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *