Dhuusamareeb: Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Tagey Goob uu Dab Xoogan Ka Kacay

Published: September 30, 2020

Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubtay dabkii maanta ka kacay magaalada Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyeeyey isla markaana xanuunka la qeybsday ganacsatadii ku hanti-beeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.

Cali Ciid ayaa ballanqaaday in dowlada Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqayso Guddiga ganacsatada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay.

Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii kuhanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaagaan u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin lagu iibiyo Shidaalka oo ku taalley bartamaha Dhuusamareeb waxaana dabku markiiba ku fiday xarumo ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka taas oo keenta in uu kordho khasaaraha dabkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment