Dhuusamareeb oo wajahaysa mashquulkii ugu darnaa

Published: January 19, 2020

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ku jirta marxalad mashquul ah, taasoo ka dhalatay dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, ganacsato, odayaal, waxgarad iyo qurbajoog.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dadkani ay magaaladaasi u taggeen arrimo la xiriira marxaladda habraaca kala guurka iyo geedi-socodka dhismaha maamulkan.

Magaalada ayaa waxaa xilligan ka soconaya kulamo loogu ololeynayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Inkastoo aan weli la shaacin goorta la qabanayo Doorashada Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa hadana lagu hawlan yahay soo saarista jadwalka, ay tahay in loo raaco doorasahadaasi.

Dhanka kale waxaa aad loo adkeeyay amniga Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ciidamada kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijnayan amniga magaaladaasi. Ciidamada ayaana si joogto ah roondo uga sameeyo wadooyinka magaalada.

Dadka reer Dhuusamareeb iyo martida la joogta ayaa rajeynaya in inta ka harsan dhismaha maamulka, ay si nabdoon ugu soo idlaato.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *