Dhuusamareeb: Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya oo furmay!

Published: July 11, 2020

Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ay ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Furitaanka Shirka ayaa waxaa halkaasi khudbad kasoo jeediyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo sheegay in shirkan uu yahay mid xiligiisa kusoo beegmay oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa Doorashada soo socota maadaama uu dhamaanayo xilka Xukuumada talada heysa.

Axmed Qoor Qoor oo sheegay in shirkan iyaga Galmudug ahaan si gaar ah ugu weyn yahay maadaama ay yihiin maamul hada dhismay, isagoo u mahadnaqay dhamaan Madaxda Dowladaha kale ee shirka kasoo qeyb galay, isagoona sheegay inuu rajeenayo in xal midnimo heshiis ku dhisan is-afgarad laga gaaro arrimaha horyaal.

“…Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya waa mid dastuuri ah…” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayey qaban qaabintiisu socotay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Dhuusamareeb oo ay si wadajir ah u sugayaan ciidamada Militariga Soomaaliya, Galmudug iyo kuwa ka socda madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay si hoose magaalada uga socdeen kulamo gooni gooni ah oo lagu furdaaminayey in xal laga gaaro qodobada u muhiimsan ee la doonayo go’aamada laga soo saaro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *