Dhuusomareeb: Taliyaha AMISOM oo booqday goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada

Published: October 10, 2021

Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug si ay u soo indha indheeyaan goobaha loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Heer Federaal.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiil AMISOM ee ku wehlisa safarka Dhuusomareeb iyagoona kawada hadlay arrimo la xiriira amniga Doorashooyinka.

Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey inay ka dhacdo Doorashooyinka xildhibaanada ee lagu wado in lagu qabto Magaalada Dhusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaan weli dhameystiran doorashada Seneterada Aqalka sare iyadoo ay ku harsan yihiin labo xubnood oo kamid ah kuraasta ,dhinaca kalena la filayo in la guda galo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *