Dibad-baxyadii ka dhashey dilkii Mahsa Amini ayaa weli ka socda dalka Iiraan

Published: October 6, 2022

Dalka Iran ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka dalkaasi, kadib geeridii haweeney lagu magacaabo Mahsa Amini.

Mahsa Amini oo 22 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Kurdistan ayaa booqasho ku joogtay caasimadda Iran ee Tehraan waxaa qabtey oo xiray booliska edbinta ee Iran sababtoo ah xijaabkeedu ma uusan daboolin timaheeda si ku filan.

Mahsa Amini walaalkeed ayaa sheegay in booliska edbintu ay madaxa ku garaaceen oo ay budh ku garaaceen gabadhaas. Shan maalmood ka dib way dhimatay.

Sida ay sheegtay hooyada dhashay Mahsa Amini, saraakiisha dowladda ayaa qoyska ku amray in aysan si cad uga hadlin geerida gabadhooda. Qoyskan ayaa doortay inay sii daayaan sawirada isbitaalka Mahsa Amini oo miyir daboolan oo dhegaha dhiig ka furmayo – taasoo muujin karta jug daran oo madaxa ka gaartey, sida ay sheegeen dhowr dhakhaatiir Irani ah oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Sawirradan ayaa dhaliyay mudaaharaad aad u baahsan, kuwaas oo ay boolisku isku dayeen inay joojiyaan, dad badan ayaana ku dhintay dibadbaxyada.

Horseed media