Dibadbax lagu taageerayo Ciidmada Liyuu Booliis oo ka dhacay Jigjiga

Published: August 3, 2022
Shares26

Dibadbax ka dhan ah Al-Shabaab laguna taageerayo Ciidamada Liyuu Booliis ee Dowlad deegaanka Soomaaliada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad deegaanka.

Boqolaal kamid ah Shacabka Magaalada Jigjiga oo isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay cambaareeyeen weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen meelo kamid ah dowlad degaanka.

Sidoo kale dadweynaha ayaa sheegay inay taageero la garab taagan yihiin Ciidamada Federaalka Itoobiya & kuwa liyuu Boolis ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa sheegay in Shacabka ay uga mahadcelinayaan taageerada ay la garabtaagan yihiin ciidamada oo dagaal culus la galay Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *