Dibadbaxayaal careysan oo dab qabadsiiyay Xarunta Baarlamaanka Libya ee Tobruk

Published: July 2, 2022

Dibadbaxayaal ayaa xoog ku galay Dhismaha Baarlamaanka Libya ee Magaalada Tobruk, iyagoo ka soo horjeeda xaaladaha nololeed ee sii xumaanaya iyo is mariwaaga siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

Muuqaalo goobtaasi laga soo qaaday ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo gudaha u gelaya Xarunta Baarlamaanka. Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warantay in dibadbaxayaashu ay dab qabadsiiyeen dhismahaasi.

Muuqaalada ayaa sidoo kale muujinaya dhallinyaro careysan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismahaasi, iyagoo markaasi taayiro gubaya.

Sida ay Warbaahinta Libya ku warantay, Dhismaha Baarlamaanka ayaa ahaa mid faaruq ah, iyadoona ay dhacdadaasi ku soo beegantay maalin Jimca ah oo dadku ay fasax ku jiraan.

Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqayay in doorasho laga qabto dalka, si wax lagaga qabto sicir bararka ku sii baahaya dalkaasi oo dhan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *